Thursday, December 18th, 2014 viagra prescription australia
logojaliil news-wa-copy

Howlgal laga sameeyay magalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan laguna sooqabtay Maandooriyaal……

Howlgal ay ciidamada Boliiska Soomaaliyeed ee gobolka Hiiraan ay ka sameeyeen dhul beereedyo ku yaala hareeraha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa lagu soo qab qabtay dad tabcaayay maandooriyaha Xashiishka, waxaana goobaha howlgalada laga fuliyay kormeeray maamulka gobolkaasi sida ay u ogaadaan qaabka ay howlgaladaasi loo fulinaayay iyadoo maandooriyaha Xashiishka ee howlgalka lagu soo qabtay ugu dambeyntii dab la qabadsiiyay.(Hiiraanka.com)

Taliyaha qeybta Boliiska ee gobolka Hiiraan Korneel Cali Dhuux Cabdi Mahad-Alle  ayaa sheegay in ay sii wadayaan howlagalada looga hortagayo walxaha maanka dooriya asagoo fariin adag u diray dadka ku howlan tabcida iyo ka ganacsiga waxyaabaha maanka dooriya.

Gudoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi-Fitaax Xasan Afrax oo goobtii Xashiishka lagu gubay ka hadlay ayaa dhankiisa sheegay in maamulka gobolka ay ka go’an tahay la dagaalanka maandooriyaha iyo ciddii lagu soo qabto isla markaana tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono.

“Runtii waan la yabayarrinta waxaan maqli jiray Daroogo ayaa waxaa lagu beeraan wadamada Afghanistaan, Jamaica iyo Wadamo kale isma la heyd maandooriye intaa la eg ayaa Beledweyne lagu beerayaa waa wax lala yaabo mana u dulqaadan doono in dadka iyo dalka la fasahaadiyo” ayuu sheegay guddomiye Afrax.

Tallabooyinka ay qaadeen Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed ay ka qaadeen dadka ku lugta leh maandooriyaha ayaa waxaa ay qeybka tahay fulinta waajibaadka saaran ciidamada Boliiska Soomaaliyeed oo ah in ay ka hortagaan wax kasta oo waxyeelo u geysanaya shacabka Soomaaliyeed.

Xafiiska wararka Hiiraanka.com

Somalia Mugdisho

nagala xariir hiiraanka.com

ama Hiiraanka@hotmail.com

Skype hiiraanka

baaladweyne

i