Sunday, November 23rd, 2014
logojaliil

Ciidamada Nabad Sugida oo Gacanta ku dhigay Dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab

hiiraanka

Ciidamada Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ayaa Xalay Howlgal Qorsheysan ka Fuliyay Degmada Dharkeynley ee Gobolka Banaadir,waxaana ay galeen Guri ku yaala Degmadaasi oo ay sheegeen in laga soo Abaabuli jiray Dilalka iyo Qaraxyada ka dhaca Caasimadda Muqdisho.

 
Ciidamada nabad sugiga ayaa qabtay Gaari Toyota Hilux SURF oo ay sheegeen in Mudo Ciidamabada Sirdoonka ay ku raadjoogeen iyo Jaakadaha Qaraxyada loo Adeegsadi iyo sidoo kale Boorsooyinka Dumarka ay Garbaha gashadaan oo Qaraxyo ay ku xiran yihiin.

 
Maxamed Yuusuf Cismaan Afhayeenka Wasaarada Amniga ayaa sheegay in Ciidamada Nabad Sugida ay heleen Macluumaad Dhab ah islamarkaana Xalay ay Guriga ku yaala Degmada Dharkeynley ay u daateen oo ay ku soo qabteen Rag ka tirsan Shabaab,Gaadiid iyo Qaraxyo intaba.
Sido kale maxamed Yuusuf Cismaan ayaa sidoo kale sheegay in Gaariga Toyota Hilux SURF lagu Dilay Ilaa Dhawr Xildhibaan oo ay ku jiraan Xildhiban Xayd iyo Saado Cali Warsame iyo sidoo kale Maareeyihii Saadaasha hawada oo Gaarigaan lagu Dhaawacay.
Dhanka kale Ciidamada ayaa soo qabtay Gaari Shalay lagu Dilay Sargaal ka tirsan Ciidamada Asluubta oo Asna Gurigaasi lagu soo qabtay,waxaana Afhayeenka Wasaarada Amniga uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay Gurigaasi la Wageertay.

i