Thursday, November 27th, 2014
logojaliil

War deg deg ah:Wariye Caan ah oo Goordhow lagu dilay magalada Gaalkacyo…..

hiiraanka

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa sheegaya in Goordhow Magaaladaasi Kooxo hubeysan ay ku dileenWariye C/risaaq Cali Cabdi Silver oo ka mid ah Wariyaasha ka howlgala Magaalada Gaalkacyo.(Hiiraanka.com)

Allah u naxariistee Wariye Silver ayaa waxa uu gobalka Mudug kaga soo warramayay Talefishinka Horncable isagoo sidoo kale ahaa wariye ka tirsan Idaacadda Daljir qeybta Gaalkacyo, waxana lagu dilay Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.(Hiiraanka.com)

Kooxihii dilka Geystay ayaa Dilka kadib waxaa la soo sheegayaa inay isaga baxsadeen goobta ay ku dileen wariyaha.

Faah Faahin dheeri ah dib kala soco Insha’allah

 

 

i