Tuesday, January 27th, 2015 cash advance loans dc
logojaliil

War deg deg ah : Villa Somalia oo caawa aad u mashquul san xalada oo ah mid ad iyo aad….

Wararka naga soo gaarayo Aqalka Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in halkaasi uu xiligaani kulamo kala duwan uga socdo Mas’uuliyiin ka tirsan Wasiiradii dhawaan la magacaabay iyo Tiro xildhibaano ah.

Wararku waxa ay sheegayaan in kulamadaasi ay hordhac u yihiin kulan la filaayo in Caawa uu ka dhaco Madaxtooyada Somalia, kaasi oo gogol xaar u ah dadaalka Wasiirada Cusub lagu horgeynaayo Baarlamaanka Federaalka.

Kulanka xiligaani socda ayaa waxaa hogaaminaayo Mas’uuliyiin uu kamid yahay Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, iyadoona kulankaani uu yahay mid ka duwan kulamadii hore maadaama Wakhtiga uu is guraayo.

Ra’isul wasaaraha dalka CCC oo aan la dhacsaneyn go’aanka uu ku hirgaliyay Wasiirada Cusub ayaa waxa uu hadda ku howlan yahay sida uu Wasiirada Cusub uga dhaadhicin lahaa inay u tafa-xeetan kasbashada Xildhibaanada Meylka adag oo iyagu aan u jilicsaneyn kalsooni siinta Wasiirada.

Sidoo kale, Ujeedka Ra’isul wasaaraha ayaa ah mid Wasiirada iyo Xildhibaanada katirsan Baarlamaanka ee taageersan Siyaasada Madaxweynaha iyo R/W CCC loogu xil saari lahaa kala fur furka Xildhibaanada is baheestay ee kasoo horjeeda Golaha Wasiirada usoo dhisay Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid oo la filayo in Baarlamaanka la horgeeyo.

Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha Somalia ayaa dadaal badan ku bixinaya sidii loo meel marin lahaa Golaha Wasiirada Cusub , waxaana jira caqabad ka imaaneysa Xildhibaano aad u badan oo kasoo horjeeda Xukuumada Cusub.