Qaar kamid ah shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa aragtiyo kala duwan ka dhiibtay shirka ka furmaya berito Magaalada London ee dalka Uk.
Dadkaan oo qaar kamid ah maanta la hadlay warbaahinta ee Magaalada Muqdisho ayaa qaarkood sheegay inuusan faa’iido ulaheyn shirka London dadka Soomaaliyeed maadaama qaar kamid ah maamulada ka jira dalka Soomaaliya ay diideen inay ka qeybgalaan shirkaasi.
Siyaasiyiin aragtiyo ka dhiibtay shirka ayaa sheegay in la filan karo inay natiijo wanaagsan kasoo baxdo shirka UK ka dhacaya ee arimaha Soomaalida looga hadlayo inkastoo ay ku tilmaameen mid aan laga hordhici karin.
Shirkan ayaa furmaya maalinta beri ah,iyadoo Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Soomaaliland ay horay ushaaciyeen in shirkaasi aysan ka qeybgalayn.
Waxa la sugaaba waa natiijada la dhowrayo inay kasoo baxdo shirka Magaalada London ee dalka Uk ka furmaya maalinta beri ah.