Madaxa dhalinyarada ee Xisbiga ANC ee dalka Koonfur Afrika Julius
Malema ayaa guri uu ku lahaa degaanka Sandown ee magaalada Johannseburg
waxaa lagu xaraashay lacag gaaraysa R5.9m kadib markii lagu eedeeyay
inuu ku gatay Gurigaas lacago uu musmaasuqay waxaana uu ahaa maalmahan
mid suuqa kala iibisaga ee xaraashka yaallay iyadoo ugu dambeyntiina
iibiyay ninka lagu magacaabo orman Tloubatla oo kasocdo Shirkadda CEO
of the company Magnified Designs.
Malema oo gurigaan gatay sanadkii 2009 ka ayaa ay hadda Maxkamadda iib
gaysay kadib markii uu bixin waayay Canshuurihii lagu lahaa waxa uuna
ahaa guri loogu talagalay in lagu raaxeysto isagoo lahaa meelaha lagu
daawado Shineemooyinka,. Barkadd lagu dabaasho iyo meelo kale loogu
talagalay inay ku nastaan dadka Madaxda ah,
Bishii January ayaa Qaalliga ku dhawaaqay in la xaraashaa guriyaha uu
Melama ku leeyahay Sandton iyo Polokwane ee gobolka Goeting iyadoo
Melama wajihi doona maxkamadeynta eedeyn la xiriirta musmaasuqa R52m,
W/Q Abdulkhadir Ahad,
Pretoria
K/Afrika
INTA DAALACATAY96