Sida ay qortay wakaalada wararka ee AP,Ra’iisul wasaaraha dalka Britain David Cameron ayaa si aad ah u amaanay Kulamada gooni goonida ah ee Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdiga uu hogaaminayay uu kula yeeshay gudaha dalka ingiriiska gaar ahaan caasimada Britain,Qurba joogta Soomaaliyeed iyo hay’adaha kale ee caalamiga uu soomaalida cusub ugu raadinayo taageerada.
David Cameron,ayaa u jeedada Madaxweynaha dadaalka u sameynayo ku tilmaamay mid lagu doonayo in dowlada Soomaaliya ay xaqiijiso ammaanka guud ahaan dalka iyo dib u dhiskiisa.
Isagoo Ra’iisul wasaraha siiwata hadalkiisa ayaa intaa raaciyay in shirkii dhaqaalo uruurinta Soomaaliya uu wax badan ka badalayo Soomaaliya,wuxuuna carabka ku dhuftay in Soomaaliya Beesha caalamka aysan u kala hareyn oo la iska kaashanayo caawinteeda.
Wafuud caalami ah oo uu sheegay David Cameron inay ka kala socdaan hay’ado caalami ah iyo Ururo ay ka qeyb qaadanayaan dib u dhiska ciidamada bariga iyo Badda Soomaaliya,Cadaalada iyo Maareynta habka Maaliyada Soomaaliya,isagoona adkeeyay in Soomaaliya ka gudbeyso dhibaatada.
Raysal wasaaraha Britain ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay Natiijadii ka soo baxday shirka London inay wax badan ka badaleyso hanaanka haatan Soomaaliya ay ku taagan tahay.
Dhanka kale hay’ada xaquuqda aadanaha ee Human Rights Watch,ayaa dowlada Soomaaliya ka cosaday inay la xisaabtanto dadka inta badan xadgudubyada ka dhanka ah Bini-adanimada geysta,iyadoo ku tabaqeysa Natiijadii ka soo baxday shirka London.
INTA DAALACATAY51