Friday, March 27th, 2015
logojaliil (1)
labo-dhafax2

Topnews : Tv-ga Kalsan oo saacad gudaheed waayay 9 wariye + Sababta Oo La Ogaaday

Tv-ga kalsan oo kamid ah TV-yada Soomaalida Gaar ahaan laga leeyahay Deegaanadda Maamulka Khaatumo ayaa gabi ahaanba joojiyay baahintii wararka maamulka khaatumo taas oo ay kaga tageen 9 wariye oo ka tirsanaa kadib markii lagu amray in aysan baahin wararka maamulka khaatumo sidaas daraa deedna ay kaga tageen tv ga Shaqadii ay ka Hayeen Mudo Dheer.
Mulkiilaha Tv Ga Xasan Duraan ayaa ilo xog ogaal ahi xaqiijiyeen in maamulada hareeraha ee Hargeysa iyo Garoowe oo iskaashi ka dhaxeeyo cadaadis ku saareen inuu joojiyo wararka maamulka Khaatumo State iyada oo loo balan qaaday in dhaqaale loogu badali doono hadduu joojiyo wararka deegaankaasi.
Mudo sanad ka hor ah aamulka Khaatumo State iyo Tv-g Kalsan waxay magaalada Buuhoodle ku kala sexeexdeen heshiis dhawr qodob ka kooban kaaso oo dhigayey in Tv-ga Kalsan baahiyo wararka maamulka Khaatumo bishiina maamulka Khaatumo bixiyo dhaqaalaha ku baxa , heshiiskaas ayaa shaqaynayey mudo lix bilood ah waxaana uu burburay heshiiskaasi markii agaasimaha Tvgaas Xasan Duraan Lacag taas ka Badan ay ugu Yabooheen Maamulada Garoowe & Hargeysa.(Hiiraanka.com)
Mudooyinkii ugu danbeeyeey waxaa muran badan iyo ismaan dhaaf ka dhex taagnaa maamulka Tv-ga Kalsan iyo wariye-yaaasha uga soo warama gudaha deegaanada Maamulka Khaatumo State kadib markii Xasan Duraan ku wargaliyey in ay yareeyaan wararka Mamulka Khaatumo taas ugu danbayn soo shaac baxday ka dib markii shaqadii laga joojiyey qaar ka mid ah wariyayaasha.

Nagala Soo Xiriir

Hiiraanka@hotmail.com