Thursday, April 24th, 2014
logojaliil

War Deg Deg Ah Al Shabab oo Gaari ku gubay Duleedka Baydhabo Iyo Faah Faahin Laga Helaya Sababta Ka Danbeeysay ?

Ila wareedyo muhiim ah oo laga helaya Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa sheegaya in Al Shabaab ay goordhow Gaari ku gubeen Duleedka Magaalada Baydhabo sida ay sheegeen Dad Degaanka ah.

 

 

Sida ay wararka sheegayaan gaarigan oo Khaad ka soo qaaday Magaalada Baydhabo ayaa ku sii jeeday Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay hase ahaatee Al Shabaab ayaa gantaalo ku garaacay Gaari oo marayay Degaan lagu magacaabo Basarta oo 10Km u jira Baydhabo.

 

 

Sido kale weerarkan lagu qaaday Gaariga ayaan la sheegay in uu ku dhintay 1 Ruux labo kalena ay ku dhaawacmeen iyadoona Al Shabab ay isaga baxsadeen Degaanka Basarta ay ku gubeen Gaari Khaad ka soo qaaday Magaalada Baydhabo.

 

 

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in Labada ku dhaawacantay Weerarka loo qaaday Isbtaalka Magaalda Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay si Xaaladooda Caafimaad halkaasi loogu dabiibo.

 

 

Si kastaba ha ahaatee khiimiistii ayaa Dagaal yahano ka tirsan Ururka Al Shabab waxaa Labo Ruux ka Ganacsan jirtay Khaadka waxaa ay ku Dileen Duleedka Magaalada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan.

 

 

Xafiiska Wararka.

 

Www.Hiiraanka.com

 

Muqdisho

163 total views, 1 views today

Share

hiiraanka hormarka maanta

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

dawasaas