Tuesday, March 31st, 2015
logojaliil (1)
labo-dhafax2
Daawo Online

Xuseen Cabdi Xalane oo Gabi ahaanba Boorsooyinkiisa ka Qaatay Madaxtooyda &Sababta ka Danbeeysa…

Wararka ayaa tilmaamayo in inta badan Siyaasiyiintii garabka u ahaa Madaxweynaha ay isaga hayaameen Madaxtooyada Siyaasada dalka laga hago maadaama, ay ka dhexmuuqan waayen Xukuumada Ra’isul wasaare Cumar Cabdirashiid, islamarkaana Madaxweynaha ay ka waayen balamo dhowr ah uu ka qaaday.

Xuseen Cabdi Xalane oo ahaa Wasiirkii hore ee Wasaarada Maaliyada, saaxiib dhowna la ahaa Madaxweynaha ayaa xiligaani ay Siyaasada kala geysay isaga iyo Madaxweyne Xassan, waxaana jira warar hoose oo sheegaya in Boorsooyinkiisa uu ka rartay Madaxtooyada oo uu mudooyinkaani dambe deegaan ku ahaa.

Xalane ayaa u taagnaa qabashada xilka Ra’isul wasaarenimo ee Somalia, balse Culeysyo Siyaasadeed oo jira awgeed ayuu xilkaasi kuwaayay.(Hiiraanka.com)

Madaxweyne Xassan ayaa ku gacanseeray Codsi dhowr jeer uu usoo jeediyay Xuseen Cabdi Xalane kaasi oo ahaa in loo magacaabo Laba Safaaradood midkood, kuwaasi oo kala ah UK ama Safaarada ay DF Somalia ku leedahay dalka Mareykanka, hayeeshee uu taasi ku guuldarestay.

Ugu dambeyntii, waxaa mudooyinkaani dambe soo ifbaxaayay warar hoose oo sheegaya in Madaxweyne Xassan uu hana waayay lasoo laabashada kalsoonida Wasiiradii hore ee Dam-Jadiid uga midka ahaa Xukuumadii kalsoonida ka weysay Baarlamaanka soomaaliya.

Daawo Online